1005 Views

Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug

Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug
____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

Natiijooyinka Kulamadii shalay  ee tartanka kubbadda Roobab Xoogan ayaa laga soo sheegaya deegaanada xeebaha ah ee ku teedsan Gobalada Nugaal iyo Mudug xilli gobalada dalka ay ka jireen Abaaro xoogan oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada reer Guuraaga ah.

Deegaanada hoostaga degmada Eyl kuna teed’san xeebta ilaa Garacad oo gobalka Mudug katirsan, ee roobabka laga soo sheegay waxaa ka mid ah Suuj,Godob jiraan,Gabac,Ladaga, Maraya,Kabaal iyo Garmaal oo Dhammaantood ah Gobalka Nugaaal.

Deegaanadan ayaa ka mid ahaa meelaha sida wayn looga soo sheegayay biyo la aanta saamaysay nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Roobkan ayaa sidoo kale ka curtay degmooyinka Bariga Mudug kuwaasi oo isugu jiray xeebta iyo Howdka degmada Godob jiraan iyo deegaanada u dhaxeeya Gobalada Nugaal iyo Mudug.

Ilaa shalay waxaa iyana roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano hoostaga Gobalka Bari kuwaasi oo ay ka da een roobab Goos Goos ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post