1050 Views

kulan u socda Midowga Musharraxiinta iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare

kulan u socda  Midowga Musharraxiinta iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada  Muqdisho ka bilaawday kulan gaar ah oo u dhaxeeya hoggaanka sare ee Midowga Musharraxiinta Mucaaradka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare,  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Kulanka uu yahay mid  looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tabashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan doorashooyinka 2021-ka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka oo haatan ka socdo guriga guddoomiye Cabdi Xaashi la doonayo in lagu qanciyo sidii uu aqbali lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo saarayo xallinta arirnta xubnahaa gobolada woqooyi.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaadacay ka qeyb-galka xirtaanka shirka wada-tashiga Muqdisho ayaa waxaa la rabaa in lagu qanciyo inuu ka qeyb-galayo shirkaasi oo lagu shaacin doono dhameysitirka heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho.

Kulankaan haatan  socda waxaa goobjoog ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post