657 Views

Khasaaro ka dhashay roob ka da’ay Magaalada Boosaaso

Khasaaro ka dhashay roob ka da’ay Magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 23, 2020 –
24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa roob xoogan uu ka da’ayay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari, waxaana roobkaas ka dhashay saameyn xoogan.

Roobka ayaa waxaa uu sababay in wadooyin farabadan oo ku yaalla Boosaaso ay burburaan, sidoo kale waxaa dhacay qaar kamid ah baalayaasha korontada taas oo sababtay in muddo ku dhow 24 saac ay korontada ka maqan tahay magaaalada Boosaaso.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in roobka sidoo kale uu saameeyay Ganacsatada, isla markaana uu xirmay Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso, sidoo kale wadooyinka qaar ay biyo xireen.

Sawirro laga soo qaaday Waodoyinka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay muujinayeen wadoyinka oo burbursan, baalayaasha Korontada oo dhulka yaalla iyo badi goobaha Ganacsiga oo xiran.

Degaano kale oo ku yaalla Bariga Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale roobta uu ka da’ay, waxaana kamid ah degmada Xaafuun oo ay ku geeriyoodeen 6 kalluumeysato u dhashay dalka Yemen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post