693 Views

Itoobiya iyo Sudaan oo ka wada hadlay xiisada u dhaxeeysa labada dal.

Itoobiya iyo Sudaan oo ka wada hadlay xiisada u dhaxeeysa labada dal.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 05, 2022

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyaha Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku dhex mareen ciidamada labadaas dal.

Abiy Axmed ayaa sheegay in labadooda hoggaamiye ay yeesheen wadahadal lagu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhexeeya.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD
Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan.

Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedeeyay ciidanka Itoobiya in ay 7 askari oo Suudaani ah ka qabteen deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga. Addis Ababa ayaa beenisay eeddaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post