900 Views

Wasiir Al-Cadaala “ Kuwa beenta ka sheegayo Raisal wasaaraha gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa waana Ciqaabi doonaa.

Wasiir Al-Cadaala “ Kuwa beenta ka sheegayo Raisal wasaaraha gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa waana Ciqaabi doonaa.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Xili maalmo ka hor baraha bulshada la soo dhigay dacaayad ka dhan ah Raisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa arintaas caawa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala.

Al-Cadaala  ayaa shir jaraa’id ku shegay in aan loo dul qaadan karin aflagaadada Raisal wasaaraha ay u jeediyeen Taliyayaal Ciidan.

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka isku howlaya inay magac-dilaan Ra’iisul Wasaaraha ay caqabad u raadinayaan howsha socota ee doorashada oo danahooda gaarka ah ay ka dhex-waayeen, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed loo adeegsaday fidinta dacaayadahaas ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post