1425 Views

Sawirro:-Madaxweyne Deni Oo Kormeeray Maxkamadda Sare Ee G/Nugaal Iyo Xarun Wasaarad

Sawirro:-Madaxweyne Deni Oo Kormeeray Maxkamadda Sare Ee G/Nugaal Iyo Xarun Wasaarad
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Maxkamadda sare ee Golabolka Nugaal iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Maxkamadda sare ee Golbolka Nugaal, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Maxkamadda, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Maxkamadda sare ee Gobolka Nugaal, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey Kormeerka ayaa mid mid u galay xafiisyada Maxkamadda, waxaana uu Madaxweynuhu kulan Gaara la qaatay Guddoomiyaha, xeer ilaaliyaha iyo dhammaan hawlwadeenada Maxkamadda” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

“Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda iyagoon ka wada-hadlay Tayaynta iyo kobcinta dakhliga dowladda iyo miisaaniyaddaba”Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment