603 Views

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo ku dhawaaqay Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka  oo ku dhawaaqay Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.

“Maamulkani waxa uu si adag diiradda u saarayaa joojinta colaadaha, gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn, baaritaanno hufan oo ku saabsan xadgudubyada iyo ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dhammaan dhinacyada Itoobiya, iyo in wadaxaajood lagu xalliyo colaadda” ayuu Blinken ku yiri Bayaan uu soo saaray.

Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar uu lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post