849 Views

Siciid Abshir oo kamid ah Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban oo ka hor yimid .

Siciid Abshir oo kamid ah Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban oo ka hor yimid .
____________________________________________________________________________


Arbaco: August 18, 2021

Siciid Abshir oo kamid ah Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee heer Federaal (FEIT) ayaa sheegay in sababta uu uga hor yimid habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee la shaaciyay 17-kii August 2021.

Sababta Diidmadiisa waxa uu ku sifeeyay in aanay la gaarin waqti lasoo gudbiyo habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka maadaama Puntland & Koofur Galbeed oo keliya ay soo dhammeystireen doorashada Senatarada Aqalka sare.

Siciid ayaa tallaabo laga habboon yahay ku tilmaamay in doorashooyinka labada Gole la isku dul furo, xubno katirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban oo ku maqan Dowlad-Goboleedyada lasoo saaro habraac aan laga talo gelin sida uu hadalka u dhigay.

“Xubnaha ugu sarreeya Guddiga FEIT waxa ay Dowlad-Goboleedyada u aadeen la socodka Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS, Guddiga ayaa kala maqan oo la yaab in arrin Masiiri ah lasoo saaro” ayuu yiri Siciid Abshir oo xubin ka ah Guddiga FEIT.

“Habraaca ma diidanin balse waqtigii la shaacin lahaa lama joogo, waxa aan nahay Guddi madaxbannaan oo loo xilsaaray Doorashooyinka Dalka, waxa aan ku shaqeyneyno ma aha Sharci qoran ama xeer doorasho oo la ansixiyay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Golaha Wadatashiga qaran ayaa berri oo ah 19-ka August 2021 ku ballamay in Magaalada Muqdisho uu ku yeesho kulan uu uga hadlayo xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.

Dowlad-Goboleedyada Puntland & Koofur Galbeed ayaa doortay dhammaan Senatarada saami ahaanta loo siiyay, Jubbaland iyo Galmudug kuraasta qaar ku dhiman yihiin halka Hir-Shabeelle & kuraasta Gobollada Waqooyi aanay la dooran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post