1350 Views

Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo kormeer ku tagay goobihii laga saaray Al-Shabaab ee Mudug

Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo  kormeer ku tagay goobihii laga saaray Al-Shabaab ee  Mudug
____________________________________________________________________________

Jimco: july 23 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa kormeer ku tagay goobihii laga saaray Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Qoor-qoor ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona tagay  Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Sidoo kale Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab.

Offrice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post