711 Views

.Erdogan: Xulufada Nato waa inay ixtiraamaan walaaca Turkiga.

____________________________________________________________________________

Khamiis: May 19, 2022

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isbaheysiga Nato ay tahay inay fahmaan walaaca dhanka amniga ah ee uu Turkiga ka muujinayo codsiga Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato.

Erdogan oo la hadlayay xildhibaanno kasoo jeeda xisbigiisa ayaa sheegay in aysan wax dan ah ka laheyn wafdiga Finland ee doonaya in laga la hadlo arrintani.

Waxa uu sheegay in Sweden aysan ka sugin Turkiga in uu u ansixiyo codsiga ay ku dooneyso inay noqoto xubin ka tirsan Nato iyada oo aysan dib usoo celin waxa uu ku tilmaamay “argagixisada”.

Turkiga wuxuu ku eedeeyay Sweden iyo Finland inay gabbaad siinayaan xubno ka tirsan kooxda PKK , kooxdaas oo uu Turkiga u aqoonsaday inay argagixiso yihiin iyo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo uu Turkiga ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka ka dhacay dalkaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Turkiga, Finland iyo Sweden waxay ku gacan seyreen codsiyo dhowr ah oo ku aadan inay Turkiga usoo gacan geliyaan xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Kurdida ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post