1152 Views

siyaasiyiinta gobolka Gedo oo sheegay in ay ka soo horjeedaan qodobbada qaar ee lagu heshiiyay.

siyaasiyiinta gobolka Gedo oo sheegay in ay ka soo horjeedaan qodobbada qaar ee lagu heshiiyay.
____________________________________________________________________________

May 28 2021

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan qodobbada qaar ee lagu heshiiyay ee ka soo baxay kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ka dhacay Afisyooni waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid tahay in doorashada ay si habsami leh uga dhacdo gobolka Gedo, isla markaana uu garwadeen ka noqdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Maxamed Xuseen Rooble.

Siyaasiyiinta qaar ee ka soo jeedoa Gedo waxay dhaliilsan yihiin qaabka loo marayo dib u heshiisiinta gobolka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ugu baaqay bulshada gobolka Gedo in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.

Waxaa ku xusan heshiiska in “madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland uu soo magacaabo xubnaha maamulka degmada Garbahaarey”.

Waxaa magacyada uu kala xulan doono Axmed Madoobe “u gudbin doono Guddiga dib u heshiisiinta, si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada ee 16 February 2021 ee ku shiray Baydhabo”.

Balse, urur la magac baxay ‘Golaha Raadinta Dhismaha Jubaland Loo Dhanyahay’ oo ka aasaasan gobolka Gedo ayaa aaminsan in doorashada madaxtinnimada Soomaaliya ay ka horreyso tan maamulka Jubaland.

Waxay sheegeen in muddo-xileedka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ay ku ektahay bisha August, intaas wixii ka dambeeyana aysan u aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland ayna doonayaan in la qabto doorasho.

Afhayeenka golahaas, Cabdi Daahir Xasan oo BBC Somali la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan in doorashada ay ka dhacdo Gedo, balse ay doonayaan in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay.

“Muddadii madaxweynaha uu u oggolaaday oo ahayd labada sano, ayuu ilaa iyo hadda ku shaqeynayaa. Labada sano xitaa oggolaanshaheena laguma siin, dowladda ayaa go’aankaas qaadatay, wuxuu ku ekyahay bisha siddeedaad. Wixii intaas ka dambeeya, reer Jubaland waxay diyaar u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri.

“Annaga waxaan rabnaa in labada sano ee bisha siddeedaad ka eg, haddii ay dhammaato in loo dareero doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu ururkan sheegay in ay diyaar u yihiin in nabadeyn iyo heshiisiin ay ka dhacday gobolka, balse ay doonayaan in saddexda gobol ee maamul-goboleedka Jubaland ay ka qabsoonto dib u heshiisiin loo dhan yahay, si loo ambaqaado doorashada maamulka.

“Waxaan rabnaa in dib u heshiisiin la galo, doorasho sax ahna la qabto, labadaas in ay is raacaan ayaan rabnaa,” ayuu yiri Cabdi-yare Garabroor.

Maxaa ku xusan qodobka gobolka Gedo ee ay isku raaceen Golaha Wadatashiga Qaran?

Shirka ayaa waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey, looguna dooday xaaladda gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

Heshiiska waxaa ku xusnaa sida hoos ku qoran:

Goluhu wuxuu go’aamiyey in Guddiga dib u heshiisiinta ay usoo gudbiyaan Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, laguna hirgeliyo muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post