546 Views

Haweenka Muslimiinta ah ee dalka Hindiya oo lagu xaraashayo Internedka

Haweenka Muslimiinta ah ee dalka Hindiya oo lagu xaraashayo Internedka
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Booliska laba gobal oo ka mid ah goballada dalka Hindiya ayaa diiwaan galiyay kiisaska in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah kuwaas oo sawirradooda oo lagu sheegay inay iib yihiin lagu soo bandhigay baro online ah.

Waxyaabaha lagu eedeyay dadka arrimahaan loo haysto waxaa ka mid iibinta haweenka, sameyaynta Application-ka loo isticmaalayay, baraha bulshada ee lagu soo bandhigay sawirrada dumarkan, daabacaadda xayeysiinta iyo sawirada.Waa isku daygii labaad oo dhowr bilood gudahood ah isla markaana dumarka Muslimiinta ah loogu gaysto xadgudub ku saabsan in lagu soo bandhigo sawirradooda iyadoo la beecinayo baraha Internedka.

App-ka iyo mareegaha internet-ka ayaa kor u qaaday macluumaad ku saabsan in ka badan 80 haween Muslimiin ah oo bishii Juulay la isticmaalay sawirradooda laguna soo bandhigay qadka Interneedka iyadoo la beecinayo.Ujeedda arrintaan laga leeyahay ayaa lagu sheegay inay tahay aflagaaddo loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah iyo sumcad dil .

Olalahaan loogu gafayo gabdhaha Muslimiinta ah ee dalka Hindiya, ayaa loogu magac daray “Poli Pai”, eraygaas oo luuqadda Bengaliga micnihiisu ku noqonayo amba loola jeedo aflagaado. Mid ka mid ah haweenka magacooda lagu isticmaalay olalahaan ayaa sheegtay inay dareentahay wax ay ku tilmaantay yaxyax. Muddo lix bilood ah ayaa ka soo wareegtay markii kiiskaan ay booliska soo fara galiyeen hase yeeshee ilaa iyo hadda cidna umaysan qaban.

Suxufiyad lagu magacaabo Ismat Ara, oo magaceeda iyo sawirkeeda la isticmaalay, ayaa dacwo u gudbisay booliiska Delhi dhammaadkii isbuucii hore. Eedeymaha ku jira cabashada waxaa ka mid ahaa aflagaado, galmo iyo gaf loo gaystay diinta.

Booliska Bombay ayaa iyagana la gaarsiiyay dacwdo kale oo ka yimid dad kala duwan kuwaas oo warbixinadooda lagu baahiyayTwitter-ka. Liiskaan waxaa ku jira gabdho suxufiyiin ah iyo jilayaal ku guulaystay abaalmarinno kala duwan.

Dhowr haween ah oo sawirradooda iyo magacyadooda lagu soo bandhigay baraha bulshada iyaga oo la beecinayo ayaa sheegay in falkaasi uu ku noqday argagax iyo yaab. Asra ayaa Websitka Al Jazeera qaybta English-ka u sheegtay in gaabiska ka muuqda baaritaannada booliska ee falalkan guracn laguna ceebaynayo gabdhaha Muslimiinta ah uu u muuqdo mid kalsooni darro ku abuuraya dadka dhibanayaasha ah.

Warbixin ay Amnesty Internationa soo saartay sanadkii2018-kii oo ay kaga hadashay dhibaatooyinka ka jira Hindiya ayaa muujisay in mar kasta oo ay bataan fikradaha dumarka, ay sii kordhaan dhibaatooyinka loo geysto, waxaana arrintaasi ay sii badisay kiisaska dumarka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badanyahay.

“Weeraradan la qorsheeyey, ee lagu bartilmaameedsanayo haweenka waa isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo haweenka Muslimiinta ah, loogana hortago inay sheegaan fikradahooda iyo ka hadalka Islaam nacaybka,” Nazia Erum, oo ah qoraa iyo afhayeen hore ayaa sidaa u sheegtay BBC-da.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dalka Hindiya ay kor u kaceen weerarada iyo aflagaadada loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post