267 Views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters oo cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, oo ku dhinteen in ka badan 150 qof

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters oo  cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, oo ku  dhinteen in ka badan 150 qof
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Soomaaliya, si looga hortago xagjirnimada rabshadaha wata. Wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Dhanka kale Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwii noloshooda ku waayey iyo kuwa ku dhaawacmay weeraradaas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post