282 Views

Dalka Mareykanka Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo tartan adag la geyleysa haweeney madow ah

Dalka Mareykanka Xildhibaanad  Ilhaan Cumar oo tartan adag la geyleysa haweeney madow ah
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 8, 2022

 Dalka Mareykanka waxaa maanta Doorasho saameyn xooggan ku yeelaan doontaa jiheynta qaranka gaar ahaan saameynta siyaasiyiinta iyo awoodda xisbiga talada haya ee Aqalka Cad.

Ilhaan Cumar ayaa kamid ah musharraxiinta u tartameysa doorashada maanta ka dhaceysa Mareykanka.

Ilhaan ayaa waxay la tartameysa haweeney iyadana madow ah lagu magacaabo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Jamhuuriga.

Ilhaan Cumar ayaa bishii Ogoosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday.

Maanta  goobaha cod-bixinta waxaa la furay 7-dii subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo ee Caawa.

Doorashadan maanta dhaceysa ayaa ku soo aadeysa xilli Mareykanka uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo iyo walaaca ka dhashay falal dambiyeedka iyo muhaajiriinta aan sharciga wadan, go’aanka kasoo baxa doorashada ayaa noqon karaa mid adag oo ka dhan ah madaxweynaha haatan talada haya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post