1245 Views

Sheekh Shariif & Xassan Sheekh oo Maanta ku wajahan Baladweyne

Sheekh Shariif & Xassan Sheekh oo Maanta ku wajahan Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo  Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay fatahaadaha saameeyeen.

 

Kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu magacaabay guddiga Gurmadka Fatahaadaha,waxaana Maanta Baladweyne ay geyn doonaan gurmad ay ugu talo galeen dadka ka barakacay fatahaadaha.

 

 

 

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamin doona wafdiga, waxaana ka qayb ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu kujiro Madaxweyne Xassan Sheekh Mohamud.

 

Magaalada Baladweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa fatahaad xoogan ka sameeyey Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas,waxaana badi dadka ay u barakaceen deegaanka Ceel-Jaalle, iyada oo dadkaasi gurmadyo kala duwan la gaarsiinayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment