786 Views

Sacuudiga oo shaaciyay xilliga ay dadka ajnabiga ah tegi karaan cumrada

Sacuudiga oo shaaciyay xilliga ay dadka ajnabiga ah tegi karaan cumrada
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 04, |  2020
—acuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona.

Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

Wajiga koobaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa iney acmaashooda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo.

Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaga bulshada.

Dhanka kale misaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa ilaa toban goor.

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujeyda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha nofeembar ee sannadkan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkan ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina si ay uga u soo xajiyaan waajibadka sannadlaha ah ee diinta Islaamka.

Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaaday inay soo xajiyaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post