504 Views

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka oo soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka wadanka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka oo soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka wadanka Ukraine.
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 2, 2022

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka halka todobaad ka socda wadanka Ukraine.

Bayaanka wasaaradda waxaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka dagaalka looga dilay 498 oo askari, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ay qiratay dowladda Ruushka waxuu ciidankeeda gaaray tan iyo Khimiistii lasoo dhaafay markii uu gudaha Ukraine ka bilaawday duulaanka Moscow.

Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganeysa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa baahisay in ciidamada Ruushka ay dagaalka ku dileen 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Ma jiro wax war ah oo dowladda al weeraray ee Ukraine ay ka soo saartay khasaaraha rasmiga ah ee shacabka iyo ciidankeeda ka soo gaaray dagaalka todobada maalmood ay kula jireen ciidanka Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post