858 Views

Dadka Azerbaijan oo u dabaal degay ‘qabsashada’ magaalada Shusha

Dadka Azerbaijan oo u dabaal degay ‘qabsashada’ magaalada Shusha
____________________________________________________________________________

Dadka reer Azerbaijan ayaa ku dabaaldegay jidadka magaalada caasimadda ah ee Baku kadib markii Madaxweyne Ilham Aliyev uu Axadda maanta ah sheegay in ciidamada dalkiisu ay qabsadeen Shusha, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh, laakiin saraakiisha Armenia ayaa beeniyay in magaalada la qabtay.

Shusha, oo ay Armeniyiinta ugu yeeraan Shushi, waxa ay labada dhinacba u leedahay muhiimad dhaqameed iyo mid istiraatiiji ah waxayna ku taal meel 15 km (9 mayl) koonfur ka xigta magaalada ugu weyn ee gobolka ee Stepanakert.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintey ku dhowaad lix toddobaad oo dagaal uu ka socdo gobolka Nagorno-Karabakh iyo hareerahiisa, oo ah dhul buuraley ah oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin ay ku nool yihiin ayna xukumaan qowmiyadda Armenia.

Iyadoo taageero ka heleysa Turkey, Azerbaijan ayaa ku gacan sareysay dagaalkii ugu dhiig daadashada badnaa in ka badan 25 sano ee ka dhaca gobolkan Koonfurta Caucasus. Muddo bil gudaheed ah, waxa ay dib ula wareegtay inta badan dhul ku yaalla Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigiisa ee ay ku wayday dagaalladii hore ee ka dhacay aagaas 1990-yadii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post