618 Views

Dhakhtar ku sugan magaalada Sacramento ee gobolka California oo dacwad la xiriirta jebinta shuruucda wadooyinka uga qeyb qaatay aalada Zoom

Dhakhtar ku sugan magaalada Sacramento ee gobolka California oo  dacwad la xiriirta jebinta shuruucda wadooyinka uga qeyb qaatay aalada Zoom
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Dhakhtar ku sugan magaalada Sacramento ee gobolka California ayaa dacwad la xiriirta jebinta shuruucda wadooyinka uga qeyb qaatay aalada Zoom xilli uu qalliin ku sameynayay qof bukaan ah.

Scott Green ayaa xirnaa dharka qalliinka, waxaana xilliga ay maxkamadda soo wacday uu ku sugnaa qolka qalliinka, sida uu ku warramay wargeyska Sacramento Bee.

Markii uu garsooraha weydiiyay inuu ka qeyb qaadan karo kiiska ayaa Mr Green waxa uu ku jawaabay inuu diyaar yahay uuna jiro “dhakhtar kale oo qalliinka kala qeyb qaadanaya”.

Garsooraha ayaa sheegay in arintaas aysan munaasab ahayn, waxaana uu dib u dhigay dhegaysiga dacwadda.

Guddiga caafimaadka ee California ayaa war qoraal ah ku sheegay inuu baaritaan ku sameynayo dhacdadaas, waxaana uu tilmaamay in “dhakhaatiirta looga baahan yahay inay si buuxda u daryeelaan bukaanka ay gacanta ku hayaan”.

Ka hor inta aysan maxkamadda billaaban, oo si toos ah looga daawanayay YouTube, ayaa qof kamid ah hawlwadeennada waxa uu weydiiyay dhakhtarta: “Halow Mr Green? Diyaar ma u tahay maxkamadeynta? Waxay u muuqataa in aad ku jirto qolka qalliinka.”

Green ayaa ku jawaabay: “Haa mudane. Waxaan hadda ku suganahay qolka qalliinka. Diyaar ayaan u ahay maxkamadeynta. Noo billaaba.”

Hawlwadeenka ayaa Mr Green u sheegay in dhageysiga dacwadda si toos ah loo tebinayo, maadaama sharciga uu dhigayo in dadweynaha ay ogaadaan dacwadaha la xiriira jebinta shuruucda wadooyinka.

Inta la sugayay in kulanka Zoom uu ku soo biiro garsooraha maxkamadda Gary Link, ayaa Mr Green waxa uu sii watay hawshiisa qalliinka.

Garsoore Link ayaa markii uu kulanka ku soo biiray hadalkiisa ku billaabay: “Haddii aan khaldaneyn, waxaa ii muuqda eedeysane ku sugan qolka qalliinka oo ku hawlan inuu u adeego bukaan. Ma sidaas baa Mr Green? Mise waxaan kuugu yeeraa Dr Green?

Kadib markii uu dhakhtarka xaqiijiyay inuu ku hawlan yahay qalliin, balse uu ku faraxsan yahay in la dhegaysto kiiskiisa, ayaa garsoore Link waxa uu ku jawaabay: “Kuma qanacsani in xilligan aan sii wadno kiiskan anigoo u naxaya qofka bukaanka ah, sidaa awgeed waxaan dib u dhigay dhegaysiga dacwadda.”

Mr Green ayaa ku adkeystay in uu ka qeybgeli karo dhegaysiga, isagoo intaa raaciyay: “Waxaa ila jooga dhakhtar kale oo qalliinka sii wadi kara, marka aniga dhinac ayaan u istaagi karaa.”

Garsoore Link ayaa ku jawaabay: “Sidaa ma qabo. Waxaan soo bandhigi doonaa taariikh kale oo aad fasax ka tahay hawlaha daryeelka bukaanka.”

BBC-da ayaa la xiriirtay xafiiska Mr Green si ay uga waraysato waxa dhacay, balse uma suuragelin.

Dhakhtarka ayaa sida la sheegay la hadlay NBC News oo ku yiri: “Waa war aan sax ahayn, kamana hadli rabo. Mahadsanid.”

Ma aha markii u horreysay ee maxkamad looga qeybgalayo Zoom ay si kale u dhacdo.

Horraantii bishii February, qareen ayaa ku guuldareystay inuu shaashaddiisa ka qaado sawir bisad oo u sarnaa. Waxa uu markii dambe u sheegay garsooraha in dacwadda la billaabo: “Waa i kan, ma ihi bisada idiin muuqata.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post