1101 Views

Axmed Madoobe oo sheegay inay diyaar u yihiin wadashaqaynta DFS

Axmed Madoobe oo sheegay inay diyaar u yihiin wadashaqaynta DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbadiii uu ka jeediyay munaasabaaddii caleema-saarka waxaa uu ku shaaciyey in Dowlad-goboleedka Jubbaland ay diyaar u tahay wada shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si meesha looga saaro khilaafaadka muddooyinkaan ka dhex jiray labada dhinac.

 

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka oo metesha guud ahaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqayso dib u heshiisiinta umudda Soomaaliyeed iyo xal ka gaarista khilaafaadka kala dhexeeya Dowlad-goboleedyada dalka ka jira sida Jubbaland.

 

Wuxuu madaxada Dowladda Federaalka cod dheer ugu sheegay in ay Jubbaland diyaar u tahay wada-hadal miradhalkiisu noqdo xallinta khilaafaadka iyo ka wada shaqaynta wadajirka umadda Soomaaliyeed.

 

Hadalka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo aadaya xilli doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee uu kusoo baxay ay dowladda sheegtay in aan waxba ka jirin,isla markaana doorasho kale ay qabaneyso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment