1455 Views

QM Oo Ka Hadashay Cayrintii Ergaygii U Joogay Somalia

QM Oo Ka Hadashay Cayrintii Ergaygii U Joogay Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 03 2019 — Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farxaan Xaq ayaa sheegay inay QM baaritaan ku hayso sababihii ay DFS u soo cayrisay Ergayga Khaaska ee QM u jooga Somalia, Nicholas Haysom.

Farxaan Xaq oo War kooban siiyey Suxufiyiinta ku sugan magaalladda New York ayaa sheegaya inay eegayaan dhacdadaasi, isla markaana ay isku dayi doonaan sidii ay Faahfaahino dhowr ah uga heli lahaayeen caddaynta dhacdadaasi

Waxa uu intaasi ku daray inay eegi doonaan waxa u asaas ah iyo tallaabooyinka dheeraadka ee loo baahan yahay.Hadalka Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farxaan Xaq ayaa ku soo beegantay iyadoo ay DFS habeenkii Talaadadii ee la soo dhaafay sheegtay in Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom laga cayriyey Somalia, kadib, markii lagu eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaaha ee Somalia.

Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore ee 2018-kii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment