534 Views

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo maanta muqdisho ka bilaawday.

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo maanta muqdisho ka bilaawday.
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Ku dhawaad 30 kun oo arday ayaa maanta u fariisanaysa imtixaamka shahaadiga ee dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir kuwaa oo ku kala gelayo goobo badan.

Sida uu sheegay maamulka gobolka banaadir 69 xarumood ayaa maanta lagu qaadayaa imtixaanka, waxaana  la filayo inuu maanta imtixaanaadka uu daahfuro guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Waa Sanadkii Sedexaad ee maamulka Gobolka Banaadir uu qaado Imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ayaa la filayaa in uu dhaco maalinta Sabtida ah oo taarikhdu tahay 18 bisha Jun.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post