1926 Views

Lix ruux oo Itoobiyaan oo lagu dilay Jabuuti

Lix ruux oo Itoobiyaan oo lagu dilay Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 11, 2018 –  Ugu yaraan Lix ruux oo Itoobiyaan ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay lagu dilay dalka Jabuuti sidda ay xaqiijisay Warbaahinta dalka Itoobiya.

Dadka dhintay oo Oromo u badan ayaa waxaa dilay Kooxo ka careysan dad Jabuutiyaan oo dhawaan lagu dilay Magaalada Diridhaba ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in la bililiqeystay dukuumo ay leeyihiin dadka Oromadda ah oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Falkaan ayaa cabsi weyn ku abuuray boqolaal qof oo Itoobiyaan oo kunool dalka Jabuuti.

Ciidamada Booliska dalka Jabuuti ayaa xiray qaar ka mid ah dadkii falkaasi geystay, waxaana dowladda ay iska xilsaartay ilaalinta dadka Itoobiyaan ah sidda uu sheegay Sarkaal u hadlay Booliska Jabuuti.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment