276 Views

Boqor Burhaan Boqor Muuse “Muuse Biixi waxa uu ka wado Laascaanood, lama mahadindoono waxaan leeyahay dadka Xasuuqa kadaa

Boqor Burhaan Boqor Muuse “Muuse Biixi waxa uu ka wado Laascaanood, lama mahadindoono waxaan leeyahay dadka Xasuuqa kadaa
____________________________________________________________________________


Sabti: December 31  2022 

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Madaxda dhaqaka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo kala duwan iyo xaalada magaalada Laascaanood.

Wuxuu ugu horayn tacsi u diray dadkii ku dhintay magaalada Laascaanood, wuxuuna fariin u diray maamulka Somaliland.

“Waxaan leeyahay maamulka Somaliland  arintani maaha wax qurux badan, wayna ka tagaysaa arin maamul iyo wax lamid ah,  waxay isku bedeli kartaa weji kale, waa in dadkaasi faraha looga qaado xoriyadooda iyo sida ay doonayaan, Waana wax keeni karta cawaaqib xumo wayn iyo wax aan la mahadin.” Ayuu yidhi Boqor Burhaan.

“Dadka Reer laascaanood waxaan leeyahay, alle tallo saarta oo noqda dadka midaysan oo mowqif leh,  waxkasta oo khayr ah alle ha idin siiyo, waxa aad dhibsanaysaan ee dilalka iyo shirqoolada alle ha idinka qabto, waanu idin garab taaganay” ayuu yidhi Boqor Burhaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post