783 Views

Cudurkii December 2019 ka Bilawday Shiinaha oo galaaftay Nolosha 1.8 Milyan!

Cudurkii December 2019 ka Bilawday Shiinaha oo galaaftay Nolosha 1.8 Milyan!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –Covid-19, waa fayrus soo ifbixitaankiisa aan digniin ama halis wayn laga sii muujin, balse kasoo shaac-baxay Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, xannuunku waa uu kasii gudbay Bilooyin kooban kadib halkii uu kasoo tarmay.

Xanuunka bilawgiisa waxa ay Dowladda Shiinuhu ku eedeysay in uu Mareykanka ku tallaalay balse uusan kasoo tarmin, Laakiin Trump Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ayaa Beijing ku eedeeyay in ay qarisay Halistiisa, haddii xiligii uu soo shaac-baxay runta laga sheegi lahaa xal loo heli lahaa.

Cudurka ayaa isaga kala gudbay Dal ilaa dal, Qaarad ilaa qaarad, diiwaanka Kiisaska ugu badan waxaa laga helay Waddamada sheegtay in ay ka tayo & dhaqaale badan yihiin dalalka kale ee ka kiisaska yar.

Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 30-ka December 2020 waxaa guud ahaan Caalamka ka diiwaangashan 82,395,827 (Siddeetan iyo labo Milyan, Saddex boqol, sagaashan & Shan kun, siddeed boqol, labaatan iyo todobo), Dhimashada ayaa ah 1,798,165 (Hal malyan, Todobo boqol, sagaashan & Siddeed kun, Boqol, Lexdan & Shan), waxaana ka caafimaaday 58,402,804 (Konton & Siddeed milyan, Afar boqol & labo kun, Siddeed Boqol & Afar.

Waxaa adkaatay in muddo si fudud loo helo qalabka baarista, Dowladaha qaar ayaa qaaday Sambalo kamid ah dadka looga shakiyay Fayruska si loosoo xaqiijiyo, waxaana Jawaabta la sugayay in ka badan 24-saac.

Covid-19, Xannuunka aan xaalkiisa digniinta wadan ayaa saameyn taban ku yeeshay dhammaan ilaha dhaqaalaha Dalalka adduunka, Duullimaadyada ayaa joogsaday, Garoomada Kubadda cagta ayaa irdaha la isugu dhuftay, Meelaha Dalxiiska ayaa haawanayay ilaa Waxbarashadii la joogay.

Shirkadaha qaar ayaa fasaxay Shaqaalahooda, Dadkii u dhaq-dhaqaaqyay qoysaska ayaa guryaha kusoo uruuray, maadaama aysan jirin socod, waxaana intaas dheer welwelka reerka gudahiiisa iyo xiliga ay ka qabaan in uu usoo duso Fayruska.

Xannuunka waxa uu galaaftay nolosha Madax kala duwan, waxaa isbitaal la dhigay mas’uuliyiin, kuwa ayaa karaantiil galay, waxaa joogsaday shirarkii tooska loo wada hadli jiray si bulshada loo kala fogeeyo.

Bilihii ugu darnaa waa Janaayo ilaa June 2020, waana bilaha ugu horeeyo sanadka oo inta badan Dowladaha ay ku xisaabtamaan Miinaasiyadda & dhaqaalaha ugu badan ee soo galaya si bilaha dambe ay ugu kabaan lacagaha usoo gacan-gala.

Waa silsilad dheer oo dad badan maanka ay ku hayaan wixii dhacay ee uu sababta u ahaa Covid-19, sanad kadib soo ifbixidda Xannuunka waxaa socda Dedaal xooggan balse aan gaarsiisneen 100%, maadaama hadallada xeer dheerayaasha Caafimaadka aysan jirin Aragti ay ku mideysan yihiin oo la xiriirta dawooyinka rasmiga ah ee loo adeegsan karo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post