840 Views

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo safar ku tagay dalka Qatar markii ugu horeysay

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo  safar ku tagay dalka Qatar markii ugu horeysay
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa safar ku tagay dalka Qatar markii ugu horeysay tan iyo markii la qaaday xayiraaddii Dooxa la saaray mudo sadex sano ah oo  ku egkeyd bishii Janaayo ee sanadkan.

Imaanshihiisa Qatar waxay qeyb ka tahay safar uu ku marayo dhowr wadan oo kamid ah dalalka Khaliijka.

Dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan waxaa uu la kulmay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, kulankaas oo dhacay habeenimadii xalay oo Arbaco aheyd.

Safarkiisa ayaa ka dambeeyay xilli Boqortooyada Sacuudiga isku dayayso in ay Meesha ka saarto xiisadaha diblomaasiyadeed oo kala qeybiyay bulshooyinka isirka wadaaga isla markaana burburiyay is xulafeysigii muddada dheer soo jirey ee u dhexeeyay wadamada Khaliijka.

Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Amiirka Qatar ku soo dhaweeyay imaanshaha dhaxal sugaha, isagoo xusay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah kaas oo ku dhisan sida uu hadalka u dhigay aas aas adag oo leh taariikh iyo dano wadaag ah.

Amiirka waxaa uu intaas ku daray in arrimaha ay ka wada hadleen sidoo kale kamid aheyd kor u qaadista iskaashiga labada dal gaar ahaan xoojinta arrimaha nabad geliyada iyo xasiloonida gobolka.

Qatar ayaa noqotay dalkii sadexaad oo kamid ah affarta wadan ee Khaliijka ka tirsan oo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan tagay ka hor shir madaxeedka wadamada Iskaashiga Khaliijka uu qabsoomi doona sida uu qorshuhu yahay dhammaadka bishan.

Shir madaxeedkan wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo Sacuudiga oo ay wehliyaan dalalka Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo ku heshiiyay in la soo afmeero go’doomintii Dooxa ku sameeyeen bishii Juun sanadkii 2017.

Intii xiisada diblomaasiyadeed ee gobolka socotay Qatar waxay diiday in ay fuliso dalabka affarta wadan oo ahaa in la xiro TV Aljazeera iyo in dalka laga saaro askar tiro yar oo Turki ah kuwaas oo Qatar ku sugnaa.

Bishii Janaayo ee sanadkan, affarta waxay ku heshiiyeen in ay dhammeeyaan khilaafkaas.

Tan iyo markaas, Riyadh iyo Qaahir waxay Qatar u soo magacaabeen danjiriyaashooda, halka Imaaraadka iyo Baxreyn wali ay tahay. Qatar dhankeeda waxay soo celisay xiriirka diblomaasiyadda; dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka laakiin Baxreyn wali wax xiriir ah lama lahan.

Amiirka Qatar dhowr jeer ayuu safar ku tagay Sacuudiga balse Maxamed Bin Salmaan waa markii ugu horeysay oo uu yimaado Dooxa tan iyo markii uu noqday dhaxal sugaha 2017.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post