1035 Views

Amar cusub oo la dul dhigay musharraxiinta doorashada Soomaaliya

Amar cusub oo la dul dhigay musharraxiinta doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

 Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in aanan la aqbali doonin in musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Hoose ee dalka in wajigooda ay qariyaan.

Waxay guddiga sheegeen in arrintan looga golleeyahay hufnaanta doorashada.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada” ayaa lagu yiri qoraal uu guddiga doorashada heer federal soo dhigay Facebook.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysaa xilli cabasho laga muujiyay musharraxiin la sheegay in wajigooda ay qariyeen xilliggii ay socotay doorashada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post