597 Views

Qatar & Imaaraadka Carabta oo ka hadlay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud

Qatar & Imaaraadka Carabta oo ka hadlay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud
____________________________________________________________________________

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hambalyo ku aadan doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii lagu doortay Magaalada Muqdisho, isagoo u rajeeyay guul iyo in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya iuo horumarka.

Ku xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdullah bin Hamad Al-Thani ayaa dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ku simaha Madaxweynaha ahna Ra’iisul Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Mohamed Bin Rashid Al Maktoum ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha Cuusb ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Imaaraatka Carabta ee WAM.

Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta ayaa Alle u rajeeyay in uu ku guuleeuo mas’uuliyadda culus ee ka saaran dalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud oo 15-kii Bishaan ay Xildhibaannada labada Aqal u doorteen in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda uu xilka kala wareego Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post