414 Views

Dilal ka kala dhacay Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee G/Sh/Hoose

Dilal ka kala dhacay Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee G/Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Isniin: August 1, 2022

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaas dil ugu geysatay A.U.N Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey (Bujis), iyadoo kooxdii dilkiisa ka dambeysay ay ka baxsatay goobta.

Goob-joogayaal ayaa  saxaafada  u sheegay in marxuumka uu dilkiisa ka dhacay meel aan uga fogeyn Saldhigga Booliska ee degmada Afgooye, balse kahor dilka Nabadoonka, ayaa la tilmaamay inuu gurigiisa agtiisa ku sugayay mooto uu doonayey inuu raaco, balse waxaa u yimid koox ku hubeysan bastoolado halkii ayeyna ku dileen.

Laamaha Ammaanka oo gaaray goobta uu ka dhacay falka dilka ah ayaa ka sameeyay baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay dilka Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey, iyagoo halkaas ka qaaday meydka marxuumka.

Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey (Bujis), ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid caan ka ahaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, balse majirto cid ilaa iyo iminka sheegatay dilkiisa inay ka dambeysay.

Ururka Al-shabaab ayaa looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda dilkaan oo kale, iyagoo ku eedeyn jiray inay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, islamarkaana ay wax kasoo xuleyn Golayaasha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay 4 ruux,  kuwaas oo ahaa dhammaantood dad shacab ah.

Warar ayaa sheegaya in afarta ruux ee la dilay ay saarnaayen mid ka mid ah Gawaarida noocu raaxada, xili ay marayeen Isgoyska Ceelahsa Biyaha.

Waxaa la sheegay in Askarigii dilkooda uu ka mid ahaa ciidamada ku sugan kontoroolka deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoo rasaas ku furay gaarigii ay saarnaayeen, kadibna ay halkaasi ku geeriyoodeen, waloow uu jiro khasaaro dhaawac uu soo gaaray dad kale.

Askariga falka dilka ah ka dambeeyay ayaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday, waxaase isgoyska lagu dilay dadkaas gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, iyagoo goobta ka qaaday meydka dadkii dhintay iyo dhaawacyada.

Lama oga sababta rasmigaa ee ka dambeysa dilka dadkaan shacabka ah, balse Askarta dowladda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ooda ka qaadeyay rasaas aan loo meel dayin, kuwaas oo ay khasaaro kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.



Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post