753 Views

Musharax Daahir Geelle “Haddii talada dalka naloo igmado dumarku waxay aad uga soo dhex muuqan doonaan labada lakab dowladeed heer federaal iyo dawlad goboleed”

Musharax Daahir Geelle “Haddii talada dalka naloo igmado dumarku waxay aad uga soo dhex muuqan doonaan labada lakab dowladeed heer federaal iyo dawlad goboleed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8da Maarso, 2021:Hoggaamiyaha Xisbiga Danqaran ahna Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay muhiimada ay leedahay maalinta haweenka aduunka oo maanta ku beegan ayaa sheegay haddii loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya in uu door muuqdo ka siin doono haweenka hoggaaminta dalka.

Mudane Daahir Geelle oo ah ruugcaddaa dhanka diplomaasiyadda ah dhowr dalna safiir kasoo noqday ayaa sheegay in uu la socdo in haweenka ay ku yar yihiin wali hoggaaminta Safaaraddaha hadii la doortana uu kordhin doono xubnaha loo dirayo Safaaradaha dalka dibadiisa ah.

Waxaa uu kaloo ballanqaaday in haweenka ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan labada heer ee dowladda sidda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

War uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

Maanta waxay ku beegan tahay 8-da Maarso, waa maalin ay adduunyadu u astaysay; Maalinka Haweenka Adduunka.

Anaga waxaa si gaar ah noo taabanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee da’adoodu kala gaddisan tahay, waxaan qabaa in la soo gaaray xilligii ay aad uga soo dhex muuqan lahaayeen guud ahaan nolosha Soomaalida gaar ahaan golayaasha la doorto amba kuwa la magacaabo, amaba kuwa dibloomaasiyadda. Gabadha Soomaaliyeed waa gabar tayo leh haddii ay suuqa iyo nolosha bulshada ku jirto, sidoo kale waa xiddig marka ay aduunka iyo shaqada dawliga ah ku maqan tahay, haddii ay siyaasadda soo galaanna runtii qaar badan oo aan golaha wasiirada iyo  xaafiisyada dawladda aan isku aragnay waxay ahaayeen dad Dalka iyo Dadka wax ku kordhin kara.

Siyaasaddayda ku aaddan dumarka waxay tahay; gabar kasta oo Soomaaliyeed fursadda ay mudan tahay in ay hesho ayadoo aad loo kordhinayo lana tayaynayo ka dhex-muuqashada goobaha iyo hay’adaha go’aan gaarista dalka. Ma jiraan hay’ado ay dumarku gaar uga caagan yihiin oo aanay ka shaqayn karin, dibloomaasiyadda ayaan ka warhayaa, tirada dumarku ay ka yihiin ama tirada safaaradaha dumarku hoggaamiyaan way yar yihiin, arrintaasi ma ahan wax uu raali ka noqon karo qof arrintaas fahansan. Indhahaygu waxay hayaan arrimaha haweenka Soomaaliyeed, haddii talada dalka na loo igmado, dumarku waxay aad uga soo dhex muuqan doonaan labada lakab  dowladeed heer federaal iyo dawlad goboleed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post