882 Views

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo weerar ku qaaday degaanka Camaara ee Mudug.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo weerar ku qaaday  degaanka Camaara ee  Mudug.
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa saaka weerar culus oo dhawr jiho ah ku qaaday tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa sida wararku sheegayaan haatan ka socda nawaaxiga degaankaas Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ay ku wajahan yihiin degaanka Camaara, si ay halkaas uga saaraan ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ayaan weli faahfaahin laga helin waxaana lagu soo warramayaa in dagaalku ku sii fidayo degaanno horleh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post