1137 Views

Dhaawaca maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud oo Muqdisho loosoo gaarsiiyay

Dhaawaca maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud oo Muqdisho loosoo gaarsiiyay
____________________________________________________________________________

.


Arbaco: February 2, 2022

Inta la xaqiijiyay 13 qof oo hal qooys ah kuna soo dhaawacmay Dagaaladda ka socdo deeggaanka Haraale ee Hoostaga Dagamada Balanballe ayaa lasoo gaarsiiyey Magaaladda Muqdisho, Waxaa qaar kamid ah dadkaasi dhaawacyadda Soo Garay ay yihiin kuwa halis ah.

Sida ay KNN u shegeen Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaaladda lasoo gaarsiiyay Dadka dhaawaca ah waxaa xaladooda Cafimaad lagula tacaalayaa isbitaaladda Digfeer iyo Madiino, Waxaana la shegay in dhaawac dadkaasi ay gaarayaan ilaa 30 qof.

Dhanka kale Inkastoo xaaladda goobahaha ay ku dagaalamen maleeshiyaadka ay saka tahay mid degan hadana, Colaadana ayaa Saameyn Badan ku yeelatay Ganacsigi degaanada Balanballe iyo Guri-ceel, Maadaama  Beelaha Dirirtu u Dhaxeyso Ay Deegaan Ahaan Kasoo kala Jeedaan.

Dowlad Goboleedka Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalka, waxaana dagaalku uu istaagay si iskii ah, iyadoona ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadka Dagaalamay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post