2532 Views

Sawiro:–Golaha Shacabka Oo Si kulul Uga Hadlay Xaaladda Qudus

Sawiro:–Golaha Shacabka Oo Si kulul Uga Hadlay Xaaladda Qudus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2017 —-Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda Magaalada Qudus.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado tilaabadii Madaxweyne Trump ee Qudus kaga dhigay Caasimadda Is’raaiil.

Waxa ay sidoo kale tilmaamay in ay soo saari doonaan Go’aan Mid ah oo ka dhan ah hadalka Trump.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa doodaya ka miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda.

Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

 

 

vvvvvn vvvvvv nnnnnnnnnnnvvvvv

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment