879 Views

Xildhibaan ka tirsan Puntland oo y geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Gobolka Sanaag.

Xildhibaan ka tirsan Puntland oo y  geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Gobolka Sanaag.
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

Madaxeynaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo dhammaan xubnaha maamulka ayaa ka tacsiyeeya geerida Xildhibaan Cali Axmed Sallaad oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post