879 Views

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay dagaalka Itoobiya

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay dagaalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah lagu laayay gobolka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya “waxaa uu u dhigmaa dambiyo dagaal” haddii la xaqiijiyo, waxaa sidaasi ka digtay madaxa guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo wararka sheegaya in laga yaabo in boqollaal qof lagu dilay hal magaalo.

Rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay in xasuuqaasi ay geysteen xoogag daacad u ah hogaamiyayaasha Tigray.

Saraakiisha TPLF ayaa waxay beeniyeen in arrintani ay ku lug lahaayeen.

Hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa u sheegay wakaaladawararka ee AFP in eedeymahani ay yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona laheyn”.

Mr Abiy ayaa waxaa u sheegay in dagaalyahanada (TPLF), ay dhibaatadan geysteen ka dib markii ciidamada fedaraalka ay ka ” xoreeyeen” Koonfurta gobolka Tigray, ka dib na ay “si arxan daro ah u laayeen ” dad rayid ah oo aan waxba galabsan islamarkana ku sugnaa magaalada Mai-Kadra.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay xoogagga daacadda u ah TPLF ay ku eedeeyeen dilalkii dhacay Isniintii, sida ku xusan warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International.

Haddii la xaqiijiyo in dad badan oo rayid ah la laayay waxay noqoni doontaa markii ugu horreysay oo tan iyo inti uu dagaalka bilaabmay dad rayid ah oo badan hal mar la dilo.

Waxaa aad u adag in warar laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo, sababtoo ah waxaa go’an khadadka taleefoonada iyo adeegga internetka.

Xoogagga Tigray ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan baaritaan caalami ah oo madaxbanaan oo lagu sameeyo dhacdadani.

Ms Bachelet ayaa sheegtay “inay ka walaacsan tahay” xaaladda Itoobiya, balse waxay intaa ku dartay in “mudnaanta koowaad” ay imika tahay sidii dagaalka loo joojin lahaa si looga hortago xadgudubyo dhaca.

Dhanka kale waxaa sii kordhaya dadka ka qaxaya dagaalada ka socda gobolka Tirgey ee waqooyiga Itoobiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post