4278 Views

7 Xul oo loo saadaalinayo hanashada koobka Euro 2016 – Waa kuwee?

7 Xul oo loo saadaalinayo hanashada koobka Euro 2016 – Waa kuwee?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 9, 2016 – Jimcahaan Hadii Alle Idmo 10-6-2016 Waxaa ka Curan doona Dalka Faransiiska Koobka  Euro 2016 kaasoo ay ka qeyb galayaan 24 wadan oo ka  tirsan Qaarada Yurub,waxaana tartankani Yahay mid si weyn loo sugayao oo ka xiiso iyo xamaasad kulul kuwii ka horeeyay iyadoo ka qeybgalkiisa ay ku soo biireen Sanadkaan Xidigo fara badan oo Wacdaro ka dhigay Horyaalada ugu tunka weyn Qaarada Yurub 4 sano ee ugu Dambeysay

Hadaba kubadu waa cad iyo Madow iyo Awooda farsamo ee xulalka ka qeyb galaya Tartankaan ay la soo shirtagaan,waxaana Xusid mudan in Duurbadiiba la sii calaamadinayo Xulalka ugu shidan Koobka oo la is leeyahay waxa ay nqoon karaan kuwa ku guuleysan doona Hadii Alle idmo.
Saadaalin aan sameeyay ka hor curashada Euro 2016 waxaan sii calaamadiyay 7 xul oo midkood ku guuleysan doono Koobka kuwaasoo waliba ay wataan Tababaryaal u dhashay Dalkooda ooa an ajaaniib aheyn
7 Xul ee aan u saadaaliyay in midkood la dheelman doono Koobka Euro 2016 ka bilaaban doona 10 juun 2016 Faransiiska waxa ay kala yihiin.
  1. Franca
  2. Germany
  3. England
  4. Italy
  5. Spain
  6. Biljam
  7. Portuqal
Kala horumarinta Magacyada Xulalka ma aha inay ula jeedo Franca waa Dalka 1 ee qaadaya Koobka,ama Germany waa kan 2 ee qaadaya Koobka ama ENG waa kan Sadexaadee qaadaya balse  Xulalkaasi 7 ah ee aan soo Qadimay Midkood lagama Xigo Hanashada Euro 2016
Ciyaarta ugu Horeysa Euro 2016 waxaa lagu Furayaa Xulka martida loo Yahay ee Franca iyo Romania oo ka wada tirsan Qeybta A  10-6-2016,waxaana Kulankaan Xidigaha martida loo yahay ee Franca  oo tabaya dhowr laacib oo laga soo tagay ay Rajeynayaan inay  Guul kala Hoydaan Ciyaartaasi oo Caasimada Franca ee Paris ka dhici doonta la arki doonee Riyadaasi inay ku Rumowdo Xulka Romania oo Faransiisku 3 dhibcood kala dheelmado.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment