840 Views

Tirada dhimashada dhulgariirkii waddanka Haiti oo kor u kacday

Tirada dhimashada dhulgariirkii waddanka Haiti oo  kor u kacday
____________________________________________________________________________

,


khamiis: August 19, 2021

Tirada dhimashada dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay waddanka Haiti dhammaadkii todobaadkii hore ayaa kor u kacday, iyadoo gaartay 2,189, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda waddankaas.

In ka badan 12,260 qof ayaa ku dhaawacmay markii dhulgariirku ku dhuftay koonfur-galbeed Haiti Sabtidii, waxaana sidoo kale ay saraakiishu ay sheegeen in 332 qofood oo kale weli la la’yahay.

kumanaan dhisme ayaa ku burburay dhulgariirkan, waxaana waddanka saboolka ee Haiti uu weli ka soo kabanayaa dhulgariir kale oo aad u ba’an oo dhacay sannadkii 2010kii.

Dalka Haiti, waxaa sidoo kale dhibaato ku haya burcad hubeysan, Covid-19, iyo fowdo siyaasadeed oo soo ifbaxay bishii hore kadib dilkii madaxweyne Jovenel Moise.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo muddo bil ah ka socon doonta afarta gobol ee dhulgariirku saameeyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post