4395 Views

Sawiro:—-Wariye Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Sawiro:—-Wariye Caawa Lagu Dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2017 —-Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka tirsanaa Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa fiidnimadii caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii qarax loogu soo xiray gaarigiis.

Wariyaha oo marayay Suuqa Kalluunka ee Degmada Wadajir, ayaa la sheegay in mar keliya gaarigiisii laga dhex maqlay qarax, iyadoo daqiiqado ka dibna uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxaasi.

Warar Madax banaan ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen Wariye kale iyo laba caruur ah, islamarkaana ay ka badbaadeen qaraxaasi.

Dhanka kale Ciidamada Booliska iyo kuwo Nabad Suggida ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo ku baxay goobtaasi, ayaa xiray wadooyinka soo gala, iyadoo ayna baaritaano ka bilaabeen.

Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka hawlgeli jiray Telefishinka Kalsan ee Xaruntiisa Magaalada Muqdisho, ayaa waxaan la garanayn cidda ka masuulka ah dilkiisa.

 

 

bbbbcccccvCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCCC

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment