1212 Views

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo soo bandhigtay Halbeegyada u qabsoomay

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo soo bandhigtay Halbeegyada u qabsoomay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2019 –Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo bandhigtay waxyaabihii uga qabsoomay halbeegyada Wasaaraddu ku leedahay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha.

 

Wasiirka, Md. Cabdi Cashuur Xasan, oo ka hadlayay habeegyada ayaa sheegay in wasaaraddu leedahay 9 halbeeg oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mudnaanta u leh ee ay ka shaqeyneysay tan iyo 2017-dii, kuwaasoo ka baxsan hawl-maalmeedka Wasaaradda.

 

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in afar ka mid ah sagaalka halbeeg in 100% la dhammeeyay, halka shanta soo hartay hawlo badan ay ka socdaan, qaarkoodna gabogabo ku dhow yihiin.

 

“Hadduu Alle idmo marka lagu wada guuleysto halbeeygadan waxaan rajeyneynaa in isbeddel muuqda laga dareemi doono isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment