2532 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Tababar Ciidamo Ugu Soo Xiray Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo Oo Tababar Ciidamo Ugu Soo Xiray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta boqolaal ka mid ah Ciidamada Xoogga dalka tababar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa mudo dhowr bilood ah waxa uu tababar uga socday Saldhigga Cusub ee dowladda turkiga uu dhawaan ka furay Gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Jaziira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlinayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliayay tababarka ay siisay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee uu Maanta tababarka u soo xiray,waxa uuna Ciidamada kula dardaarmay in ay waajibkooda qaran gutaan.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa isna sheegay in dowladda Turkiga ay waligeed caawin jirtay Soomaaliya isla markaana ay xoojin doonto kana qeyb qaadan doonto tababarka Ciidamada Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment