843 Views

Al-shabaab oo ka hadlay ku dhawaad 10 qof oo ay toogasho ku fuliyeen saacadihii ka soo dhaafay.

Al-shabaab  oo ka hadlay ku dhawaad 10 qof  oo ay  toogasho ku fuliyeen saacadihii ka soo dhaafay.
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Ururka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay, in ay toogasho ku fuliyeen 10 ruux oo ku eedaysnaa arrima ku saabsan basaasnimo.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku warrantay in fagaare ku yaalla degaanka Buura-fuulaay ee Gobolka Baay lagu toogtay shan kamid ah dadkaas oo ku eedaysnaa basaasnimo sirdoon caalami ah.

Waxa kale oo sheegtay in degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe lagu toogtay shan nin oo lagu eedeeyay, in ay la shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka.

Sidoo kale,  Al-shabaab ayaa maalin ka hor degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogtay lix ruux oo ay ku tilmaameen basaasiin la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.

.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post