774 Views

Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo iscasilay

Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo iscasilay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqey in uu iska casilay Xilkii uu hayay

Dhamme Burhaan Axmed ayaa is casilaadiisa ku sabeebeyey Shaqsiyaad ku eedeysan dambiyo kala duwan Xabsiga Dhuusamareeb ay kasii daayeen saraakiisha Sare ee Booliiska Galmudug.

Waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay xireen dhowr qof oo ahaa Shabakado isku xariira, islamarkaana dadkaasi xabsiga laga siidaayay xilli ay ku socotay baaris.

Madax Sare ayuu ku eedeeyay in uu ka gudan waayay Waajibkii loo igmaday.

“Waxaan iska casilay xilkii aan hayay sababo la xiriira rag ka tirsan Al-Shabaab oo Saraakiisha sare ay kasii daysey xabsiga ” ayuu yiri Taliyihii booliiska Dhuusamareeb

Taliska Ciidanka Booliska Galmudug wali kama jawaabin eedeynta uga timid taliyaha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ahlusunna ee kusoo biiray dowladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaana iscasilaadiisa ay kusoo beegmeysa xilli Madaxda Ahlusunna dagaal looga saaray Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment