693 Views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya oo gaaray Hargeysa

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya oo gaaray Hargeysa
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow uu halkaasi gaaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carta Qaalib, isla markaana uu ka baxay Baarlamaanka Soomaaliya.

Ka hor inta uusan ka bixin Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu iska casilay Xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena uu cafsi ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliland, kaddib markii uu xanuunsaday Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu Maanta soo saaray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aqbalay cafiska uu dalbaday Maxamed Cumar Carta Qaalib oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka basle iska casilay.

Maxamed Cumar Carta Qaalib ayaa maalmihii las oo dhaafay waxaa u waday dadaalo ku aadan sidii uu u tegi lahaa Magaalada Hargeysa maadaama uu xanuunsan yahay Aabihiis  Cumar Carta Qaalib oo uu waayadaan arag, waxaana dadaalkaas ku jiray Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliland.

Siyaasiyiin farabadan oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi xilalna kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa waxaa ay dib ugu laabeen degaannada Soomaaliland,kaddib markii ay acfis weeydiisteen Mas’uuliyiinta Soomaaliland.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post