2652 Views

RW Abiye Axmed oo magacaabay Wasiiru dowlayaal ay ku jiraan xubno Somali ah

RW Abiye Axmed oo magacaabay Wasiiru dowlayaal ay ku jiraan xubno Somali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay afar Wasiiru dowle oo xubin ka noqonaya Golihiisa Wasiirrada ee ka kooban 20ka Xubnood.

Afarta wasiiru dowle ayaa kala ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta,waxaana loo magacaabay Eyob Tekalign Tolina, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Nabadda oo loo magacaabay Zeynu Jemal, oo sidoo kalena ah Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya.

Waxaa kale oo la magacaabay Misganu Arga, oo ahaa Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Qadar,waxaana laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warshadaha iyo ganacsiga, sidoo kale Prof C/waasac Cabdullahi Bade ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmiga.

C/Waasac waxaa uu hadda yahay kaaliye sare oo ka tirsan Jaamacadda Adis ababa University,waxaana uu aad u dhaliili jiray Cabdi Maxamuud Cumar,madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment