354 Views

Dabley hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Dabley hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland waxa ay ku toogteen sarkaal sare oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday dableyda hubeeysan ee dilka geeysatay, sida ay inoo shegeen dad gobjogayaal ah, waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka maamulka Puntland.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ayaa KNN u  xaqiijiyay in aysan jirin weli cid loo qabtay dhacdadaas, ayna wadaan baaritaano dheeraad ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto Cid sheegtay masuuliyadda dilka mana Cadda sababta loo dilay, waxa aysa Ciidamada ammaanku shegeen in ay xogta oo dhameeytiran la wadaago doonaan warbaahinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post