936 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Cali jeyte oo ku sii jeeda degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Cali jeyte oo ku sii jeeda  degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiran Cali jeyte Cismaan iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay u safraan degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.

Ujeedka safarkooda ayaa waxaa lagu sheegay sidii lagu xalin lahaa khilaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmadaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Jabuuti ay Maamulka ku hayaan faragelin dhinaca Maaliyadda ah , taas oo keentay in degmada Buulo-Burde laga dareemo xiisad u dhaxeeysa labada dhinac.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post