1023 Views

Xildhibaano Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Baladweyne

Xildhibaano Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ka soo jeeda deegaanada Hirshabeelle oo Shir Jairaa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacday duleedka Magaalada Baladweyne,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Wasiirkii hore amniga Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa baaq nabeed u diray dadkii shalay ku dagaalay deegaanka kalabeyr oo ku yaalla Duleedka Baladweyne,isagoona tacsi u diray Eheladii u ka geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa Caafimaad Alle uga baryay inuu siiyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii kalabeyr,wuxuu ku baaqay in la adkeeyo Midnimadda Hirshabeelle oo xal laga gaaro Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan.

 

Dhinca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo isla ka hadlayay dhacdadii ka dhacday duleedka Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaas ay ku jireen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda oo uu xusay inay lug ku lahaayeen,isla markaana waxa uu sheegay in arrinaas hadii ay sax noqoto ay Xukuumadda Soomaaliya kula xisaabtami doonaan.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka kalabeyr ee duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,iyadoona lagu dhaawacay Taliye kale oo ka tirsan Booliska Hirshabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment