981 Views

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla. Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.

Puntland waxay ahmiyad gaar ah siisay Amniga iyo Ciidamada, Isbedelka iyo tayeynta Ciidanka Booliiska Puntland waa mid ka muuqda xarunta Taliska  Ciidanka Booliska, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland meel walbo oo ay joogaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post