777 Views

Xafiiska tirakoobka UK oo sheegtay in tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 ay kor u kacday

Xafiiska tirakoobka UK oo sheegtay in tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 ay kor u kacday
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Xafiiska tirakoobka qaranka ee waddanka Ingiriiska ayaa xog uruurin uu sameeyay ku sheegay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunka COVID-19 ay kor u kacday ilaa iyo saddex meelood laba meel.

100’000 oo qof ayaa xanuunka laga helay ilaa 29-kii bishii May, iyadoo todobaadkii ka horeeyeyna tirada dadka laga helay ay aheyd 60’000 oo qof, waxaana badi dadkan laga helay nuuca xanuunka ka yimid India oo soo gaaray Ingiriiska.

Sidoo kale UK ayaa maalmo ka hor sheegtay in uu yaraaday dhimashadii dadka ay u dhiman jireen xanuunka COVID-19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post