897 Views

Donald Trump oo ku wareeray sidii uu u daawaneyey TV-yada

Donald Trump oo ku wareeray sidii uu u daawaneyey TV-yada
____________________________________________________________________________

Donald Trump ayaa ka cadhooday, kana xumaaday in dad kooban ay u soo baxaan taageeradiisa xilli uu ka daawanayey TV-ga ama waddooyinka, ilo ku dhow madaxweynaha ayaa u sheegay CBS News.

Trump ayaa rajeynayey in taageerayaal badan uu ku haysto Maraykanka kuwaas, oo siin doona codkooda dhanka kalena dartii u muddaharaadi kara.

Waxay yidhaahdeen ilahaas ku dhaw madaxweynaha wuxuu daawanayay TV-yo badan, wicitaano ayuu sameynayay, wuxuuna waqtigiisa Jimcaha u kala qeybinayay Xafiiska Oval iyo hoygiisa.

In kasta oo kooxda ololaha Trump ay muujinayaan dagaalkiisa sharciga ah, ma jiraan istiraatiijiyad cad o ay goor ka lahaayeen arrintan. Qaar ka mid ah kaaliyayaashu waxay qirayaan in waxaas oo dhami ay ahayd in laga fikiro bilo ka hor, laakiin cidina ma rabin inay wadahadal la yeelato madaxweynaha.

Sida talaabooyinka xiga ee dacwadda, ilaa wax muhiim ah laga arkayo, dhammaantood waxaa isha lagu wada hayaa Pennsylvania. Haddii farqiga uu dhexeeyaa yar yahay, tartanka Maxkamadda Sare oo uu ku guuleysto ayaa caawin kara Trump.

Haddii laakiin se farqiga guushu u janjeedho dhanka Biden, kiiska Pennsylvania wax macno ah ma lahan. Waxaana kooxda sharciga u qaabbilsan ay awoodda saari doonaan gobollada kale.

Dhanka kale waxaa goor dhawayd hadlay musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga Joe Biden.

Ka hor intii aanu hadlin Biden, Donald Trump ayaa ka digay in ninka la tartamaya ee Xisbiga Dimuquraadiga, Joe Biden, uu sheegto guusha doorashada madaxtinimada Mareykanka. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku gooddiyey in caqabadaha xagga sharciga ah ay hadda uun bilow yihiin. Madaxweyne Trump laftiisu ayaa hore u sheegay inuu ku guuleystay, saacado uun kaddib maalintii codbixinta.

Weli waxaa socota in la tirinayo codadka intii hadhay, Mr Biden wuxuu ku dhow yahay inuu ku guuleysto gobolka muhiimka ah ee Pennsylvania , taas oo ka dhigan in uu furan yhay albaabka lagu galo Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi. Wuxuu sidoo kale kaga horreeyaa Georgia, Nevada iyo Arizona.

Muxuu sheegay Biden

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.

Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.

Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.

Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.

“Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” Mr Biden ayaa u sheegay taageerayaashiisa Wilmington, Delaware, habeenkii jimcaha, isagoo ku dhawaaqaya in kalsoonidoodu sii kordheyso, ayna codbixiyayaashu ay muujinayaan inuu hogaaminayo isagu.

Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen – in ka badan 74 milyan oo qof – kuwaas oo ka badan marka loo eego qof kasta oo u tartamay madaxtinimada Mareykanka, taariikh ahaan.

Dimuqraadigan – oo isu tixgeliya inuu yahay musharraxa midnimada ka dib ololihii qadhaadhaa ee uu soo halgamay – ayaa sheegay in la joogo xilligii “la saari lahaa fkala duwanaanshaha Fekerka siyaasaddayada” oo “la noqon lahaa sokeeye midba midka kale xigsado”

“Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw, waxaan nahay Mareykan,” ayuu yiri Mr Biden, oo aan soo hadal qaadin ninka la tartamaya ee Jamhuuriga, Mr Trump.

Weriyaha BBC Barbara Plett-Usher, oo ku sugan Wilmington, ayaa sheegtay in ay ahaayeen hadalo rajo leh oo ka dhigan xisbiga Dimuqraadiga in haysto waddadii guusha.

Mr Biden – oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la’aan – wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.

Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee soo addan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.

Xigasho BBC

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post